Owalo oo ka hadlay xilliga ay diyaar noqonayaan taleefoonnada lagu sameynaya gudaha wadanka

0
339

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta , tiknolojiyadda iyo dhaqaalaha dhijitaalka ah ee dalka Eliud Owalo ayaa sheegay in marka la gaaro bisha Siddeedaad ee sanadkan ay diyaar noqon doonaan taleefoono lagu sameynaya gudaha Kenya.
Arrintan ayuu xalay sheegay xilli uu u warramayay telefisihinka maxalliga ee Citizen.
Waxaa uu dhanka kale xusay in qorshaha dowladda dhexe uu yahay in sanadkan la sameeyo ilaa 5,000 oo xarumood oo ay dadweynaha si lacag la’aan ah uga heli karaan adeegyada intarneetka.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in haddii laga faa’iidaysto horumarka tiknolojiyadda la abuuri karo fursado shaqo oo ah 1.5 milyan ilaa 2 milyan.
Waxaa uu wasiirka dhanka kale cadeeyay in sababta aan loogu guulaysan hirgelinta barnaamijkii aqoonsiga ee Huduma Namba ay tahay in aan la sameyn wacyigelin dadweyne oo dhameystiran.