Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa billowday inay dadweynaha fursad u siiso soo gudbinta afkaartooda ku aaddan miisaaniyad sanadeedka 2023/2024-ka.
Howshan ayaa muddo saddex cishe ah ka socon doonto xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Dadweyne matalaya waaxyo kala duwan ayaa wasaaradda maaliyadda la wadaagi doono sida ay u arkaan soo jeedinno ku saabsan miisaaniyadda qaran.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda maaliyadda ,Chris Kiptoo ayaa sheegay in afkaarta shacabka loo adeegsan doono soo bandhigidda miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeyn doonto.
Waxaa uu daneeyeyaasha ku sugan xarunta KICC ka codsaday inay si qoto dheer u qiimeeyaan soo jeedinnada wasaaradda maaliyadda si loo sameeyo dib u eegista lagama maarmaanka ah.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda qorsheynta dhaqaalaha ,James Muhati ayaa sheegay in miisaaniyadda 2023-2024-ka xoogga lagu saari doono maalgelinta qorshayaasha ugu waawayn ee isbeheysiga Kenya Kwanza sida kobcinta dhaqaalaha dalka , shaqo abuurka , yareynta saboolnimada iyo wanaajinta nolol maalmeedka dhammaan kenyaanka iyadoo howshan laga soo billaabaya heerka ugu hooseeya.
Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay wasaaradda maaliyadda soo billowday diyaarinta qorshaha miisaaniyadda 2023/2024-ka oo qiimo ahaan lagu qiyaasaya 3.64 Tiriliyoon oo shilin.