Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta guddoomiyay munaasabad ay ku qalin jabiyeen saraakiil ka tirsan booliiska maamulka ee loo yaqaano AP-da oo tababar dhameystay.
Xafladda ayaa ka socoto machadka tababarka ciidamadan oo ku yaalla xaafadda Embakasi ee magaalada Nairobi.
Madaxweyne William Ruto , ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua iyo wasiirka arrimaha gudaha oo halkaasi hadallo kooban ka jeediyay ayaa ciidamada kula dardaarmay inay waajibaadkooda shaqo u gutaan sida habboon ee waafaqsan dastuurka dalka.
Ciidamada booliiska ayaa looga digay inay fuliyaan dano siyaasadeed.
William Ruto ayaa mar kale xaqiijiyay sida maamulkiisa ay uga go’an tahay wanaajinta xaaladaha ay ku shaqeeyaan ciidamada booliiska wadanka.
Shalay ayay ahayd markii in ka badan 2,800 oo booliiska caadiga ah ay ku qalinjabiyeen ismaamulka Nyeri.
Ongoing Administration Police Passing out Parade, Embakasi, Nairobi County. pic.twitter.com/0dyLUt12A0
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) January 11, 2023
Administration Police Passing out Parade, Embakasi, Nairobi County. https://t.co/21AZ3I9cOG
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) January 11, 2023