Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa sheegay inuu si buuxda ugu diyaar garoobay gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xafiiskiisa uu diyaar u yahay inuu kenyaanka ugu adeego sida laga doonaya.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii dhawaan madaxweynaha wadanka William Ruto uu dib u habeyn ku sameeyay maamulkiisa isagoo kala cadeeyay shaqooyinka madaxa wasiirrada iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Musalia ayaa xusay in la joogo xilligii isbeheysiga Kenya Kwanza uu ku tallaaba qaadi lahaa waxyaabihii uu dadweynaha u ballanqaaday xilligi ololaha doorashada.
Shaqooyinka u yaalla Mudavadi ee looga baahan yahay inuu ka soo baxo ayaa kala ah inuu guddoomiyo sidoo kalena uu isku dubarido qorshaha qaran ee xeer dejinta ee dowladda.
Waxaa uu shaqadan qabanaya isagoo kaashanaya wasaaradaha iyo waaxyaha hoos tago ee dowladda iyo xubnaha Kenya Kwanza ee baarlamaanka ka tirsan.
Sidoo kale Mudavadi ayaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ka caawin doono inuu kormeero waxqabadka wasaaradaha, dhaqangelinta siyaasadda qaran ee dowladda , barnaamijyada iyo mashaariicda.
Musalia Mudavadi ayaa kormeer ku sameyn doono dabagalka iyo qiimeynta farsamo ee mashaariicda horumarineed.
Madaxa wasiirrada waxaa shaqooyinkiisa ka mid ah guddoominta guddiyada xoghayeyaasha wasaaradaha dowladda sare.




