Saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah howlwadeennada wasaaradda dhulalka u qaabilsan diiwaangelinta oo lagu magacaabo Charles Mwendwa Mutua.
Bayaanka guddiga waxaa ku cad in howlgalka eedeysanaha lagu soo qabtay ay qayb ka ahaayeen ciidamada booliiska ee ka shaqeeya saldhigga xaafadda Kilimani ee ismaamulka Nairobi.
Tuhmanaha ayaa loo haystaa inuu qof ka dalbaday lacag laaluush ah oo dhan 2.5 milyan oo shilin si uu ugu soo saaro sabarloogo.
EACC ayaa hoosta ka xarriiqday in Charles la xiray xilli lagu wareejinayay 900,000 oo shilin oo lacagtaasi ka mid ah.
Waxaa uu ka howlgala xafiiska diiwaangelinta dhulalka ee Ngong.
Xarigga mas’uulkan ayaa yimid ka dib cabasho ay dadweynaha u gudbiyeen guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC oo la xiriiray inuu dadka ka dalbado lacago badan oo laaluush ah si uu ugu adeego.
Guddiga ayaa xusay in cabashadan loo soo gudbiyay 7-dii bishii Diseembar ee sanadkii hore.
Waxaa sidoo kale eedeysan oo la raadinaya Caroline Simuli Kituyi oo ay wada shaqeeyaan Mutua oo laga dalbaday inay iska xaadiriso saldhigga booliiska ee xarunta dhexe ee EACC ee magaalada Nairobi.
Charles Mwendwa Mutua ayaa hadda lagu hayaa saldhigga booliiska ee Kilimani waxaa uuna maraya baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.