Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa beeniyay in shaqada laga eryay madaxii fulinta ee guddigan Dr. Nancy Macharia.
Qoraal lagu faafiyay baraha bulshada oo arrikan ku aaddan ayay TSC ku tilmaantay mid been abuur ah.
Guddiga ayaa dadweynaha ugu baaqay inay iska indha tiraan warbixinta sheegaysa in Nancy Macharia lagu beddelay agaasimaha maaliyadda ee guddiga TSC Cheptumo Ayabei oo xilka madaxa fulinta si ku meel gaar ah u sii hayn doono.




