Kenya oo xoojinaysa xiriirka ay la leedahay Suudaan

0
293

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in Kenya ay ka go’an tahay inay sii adkeyso xiriirka kala dhexeya wadanka Suudaan.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu xafiiskiisa daarta Harambee House ee magaalada Nairobi uu ku qaabilay taliyaha golaha ku meel gaarka ee Suudaan ,Maxamad Hamdan Dagalo.
Hoggaamiyaha labaad ee wadanka ayaa hoosta ka xarriiqay inay xoogga saarayaan sidii shacabka labada dal ay uga wada faa’iidaysan lahaayeen iskaashiga sare loo qaadaya.
Waxaa uu intaasi ku daray in Kenya iyo Suudaan ay ka wada shaqeeyaan arrimaha ganacsiga isagoo ballan qaaday in maamulka talada haya ee Kenya Kwanza uu taageeri doono xiriirka soo jireenka ah.
Rigathi Gachagua ayaa sidoo kale xusay in la kordhin doono caleenta shaaha ee loo iibgeeyo dalka Suudaan.
General Dagalo ayaa dhankiisa dowladda iyo shacabka ku amaanay doorashadii bishii Siddeedaad ee sanadkii hore wadanka uga qabsoontay si nabad ah.
Labada mas’uul ayaa sheegay in dowladahooda ay sii wadi doonaan kaalinta ay ka qaadanayaan xasilinta Suudaanta Koonfureed.