Shirkadda korontada ee dalka ee Kenya Power ayaa sheegtay in qaybo ka mid ah ismaamullada Nairobi , Kiambu iyo Homa Bay uunan maanta ka jiri doonin adeegga korontada.
Bayaan ay shirkaddu soo saartay xalay ayay arrinkan shaaca uga qaaday.
Waxay koronta la’aanta u aaneysay howlo dayactir ah oo la sameyn doono.
Meelaha ay korontada ka maqnaan doonto laga billaabo 9-ka subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo ee maanta waxaa ka mid ah xaafadaha Joska iyo Mirema ee Nairobi.
Ismaamulka Kiambu cilladdan ayaa laga dareemi doonaa Kirigiti, Riabai, Migaa iyo Lioki .
Dowlad deegaanka Homa Bay, Kenya Power ayaa sheegtay inay koronto la’aan ahaan doonaan dadweynaha Mbita, Rusinga Island iyo Waondo inta u dhexeysa 9-ka subaxnimo ilaa 3-da galabnimo ee maanta.
Hello, these areas will be affected by scheduled power interruptions tomorrow: ^BT pic.twitter.com/ycXuApAZMq
— Kenya Power (@KenyaPower_Care) January 9, 2023




