Wasiirka wasaaradda arrimaha dhallinyarada, cayaaraha iyo farshaxanka ee dalka Ababu Namwamba ayaa maanta la kulmay xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA.
Waxaa uu ka codsaday FIFA inay la shaqeyso xiriirka kubadda cagta Afrika, si xulka kubadda cagta Kenya ee Harambee Stars dib loogu soo celiyo isreebreebka koobka qaramada Afrika ee sanadka 2023-ka.
Saraakiil mataleysay xirrirka kubadda cagta adduunka ayaa maanta booqasho ku yimid dalkani Kenya si ay u eegaan xaaladda cayaaraha ee wadanka.
Wasiirka arrimaha dhallinyarada, cayaaraha iyo farshaxanka ee dalka Ababu Namwamba ayaa sheegay in daruufaha xulka qaranka Kenya looga saaray tartamada caalamiga ah ay tahay wax soo jireen ah, balse haatan xayiraaddii la qaaday, islamarkaana ay caqli gal tahay haddii Kenya fursad labaad la siiyo.
Kenya ayaa sanadkii horay laga mamnuucay cayaaraha caalamiga ah ee kubadda cagta, ka dib markii lagu eedeyay inay baalmartay sharciga xiriirka kubadda cagta adduunka .
Kenya ayaa lagu daray isku aadka isreebreebka koobka qaramada Afrika ee Afcon ee sanadka 2023-ka, hasa ahaate markii dambe laga saaray.
CS @AbabuNamwamba this morning held discussions with Africa FIFA delegation led by Director Member Association Africa Mr. Gelson Fernandes to deliberate on the state of Kenya's football and the government's plan to revive football in the country. pic.twitter.com/7vzPOUW5j0
— Ministry Of Youth Affairs, Sports & The Arts (@moscakenya) January 9, 2023
We also look forward to FIFAs support in training our coaches so that they can adequately support our revival plan through their competence and and, by having the legally recognised mandate by FIFA as youth trainers," added the CS. pic.twitter.com/xQCR3c1GMj
— Ministry Of Youth Affairs, Sports & The Arts (@moscakenya) January 9, 2023




