Taliyaha guud ee booliiska oo digniin u diray siyaasiyiinta

0
268

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska wadanka Japhet Koome ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed uga digay inay jeediyaan hadallo marin habaabin ah oo ku saabsan in saraakiisha ammanka goobo kale loo wareejiyo ama shaqada laga eryo.
Koome ayaa digniintan shalay soo saaray ka dib markii ay soo baxeen warar tilmaamaya in qaar ka mid ah siyaasiyiinta ay ku goodiyeen inay ciidamo meelo kale gaynayaan ama shaqada ka ceyrin doonaan.
Waxaa uu taliyaha guud ee booliiska hoosta ka xarriiqay in hadalladan ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah.
Koome ayaa carrabka ku adkeeyay in adeegga qaran ee booliiska ee NPS uu yahay xafiis dastuuri ah oo madaxa bannaan oo isaga hoos tago.
Waxaa uu madaxda ka dalbaday inay iska ilaaliyaan jeedinta hadallada noocani ah oo naceyb ka dhex abuuri karo adeegga qaran ee NPS.
Taliyaha guud ee booliiska Kenya ayaa dhanka kale saraakiisha ammaanka ugu baaqay inay sii wataan gudashada waajibaadkooda rasmiga ah iyagoo aan cidna u eexan ama ka cabsan.
Xeerka adeegga qaran ee booliiska ayaa qeexaya in keliya taliyaha guud uu ciidamada u kala wareejin karo xarumaha ay ka howlgalaan halka qaybta arrimaha gudaha ee booliiska ay sarkaalka shaqada ka eryi karto marka baaritaano ka dib lagu cadeeyo dembi uu galay sida tacaddi.