Guddoomiyaha ismaamulka Uasin Gishu ee gobolka Rift Valley, Jonathan Kimeli Bii ayaa saraakiisha ammaanka ugu baaqay inay xalliyaan falal amni darro oo halkaasi ku soo noqnoqday.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aan marnaba la fududeysan karin dhaliisha ay dadweynaha u jeedinayaan booliiska ee ah inaysan si wayn ula tacaalin falalkan.




