DHAGEYSO:Prof.Cabdi Guuliye oo sheegay inuu dhawaan xafiiska banneynayo

0
296

Prof.Cabdi Yaaquub Guuliye oo tani iyo bishii Koowaad ee sanadkii 2017-kii ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa shaaca ka qaaday in 11-ka cishe ee soo socda gudahooda uu xafiiska ku bannenaya.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in guddiga IEBC uu ahaa mid dhexdhexaad ah muddadii uu xafiiska joogay, in kastoo ay caqabado badan la kulmeen sida uu hadalka u dhigay.
Prof. Guuliye ayaa hoosta ka xarriiqay in iyadoo caqabado badan ay jireen haddana inay mar waliba ku adkeysanayeen ilaalinta habsami u socodka doorashada iyo in la xisaabiyo cod kasta oo ay dadku dhiibtaan.
Waxaa uu sido kale ka hadlay eedeymo loo jeediyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC oo ahaa in doorashada lagu shubtay.
Mas’uulkan ayaa cadeeyay in doorashooyinka ku celiska ee wadanka ka dhaco ay la mid yihiin kuwa caadiga ah marka la eego wakhtiga , dadaalka iyo diyaar garowga uu guddigu geliyo.
Waxaa uu xusay in marka la sheego in doorasho la xaday ay niyad jab ku tahay saraakiisha iyo guddiga IEBC hasa ahaate laga soo gudbay xilliyadii isdabamarin lagu sameyn jiray codadka dadweynaha.
Kenyaanka ayuu ku boorriyay inay ku kalsoonaadaan guddiga doorashooyinka isagoo tilmaamay inay waajibaadkooda shaqo u gutaan sida habboon.

Guddoomiyaha IEBC, Wafula Chebukati iyo saraakiisha kala ah Prof. Cabdi Guuliye iyo Boya Molu ayaa muddo xileedkoodu ku egyahay bishan.
Labada sarkaal sare ee IEBC ayaa taageeray natiijadii madaxtinimo ee bishii Siddeedaad ee sanadkii hore uu ku dhawaaqay Mr.Chebukati, taasoo uu ku shaaciyay in Dr. William Ruto uu ku guuleystay xilka madaxtinnimo.