Waxaa lagu soo warramayaa in weerar burcadnimo uu ka dhacay tuulada Lamaywe ee ismaamulka Baringo.
Labo qof ayaa halkaasi lagu dhaawacay iyadoo shan kale la la’yahay.
Burcadda ayaa sidoo kale la baxsatay ilaa 150 neef oo aan weli la soo celin.
Shacabka tuuladaasi ayaa arrintan walaac ka muujiyay waxayna dowladda dhexe ugu baaqday inay xalliso falalka amni darro ee ku soo noqnoqday deegaanadooda.
Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool tuulada Lamaywe ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.
Ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada booliiska dalka Nuur Yarow Gaabow ayaa la filayaa inuu ismaamulka Baringo socdaal ku tago.