UDA oo u hambalyeysay musharraxiinta ku soo baxay doorashooyinkii shalay

0
402

Xisbiga UDA ee uu hoggaamiyo madaxweynaha dalka William Ruto ayaa u hambalyeeyay musharraxiin ku matalayay doorashooyin ku celis ah oo shalay ka dhacay ismaamullada Garissa, Murang’a iyo Elgeyo Marakwet.
Qoraal uu xisbigu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ayuu ku sheegay inuu farriin hambalyo ah u diraya Deeqow Maxamad Barrow oo ku guulaystay kursi baarlamaneedka Garissa Township,Chege Njuguna( xildhibaanka Kandara) iyo William Kisang oo noqday senatarka ismaamulka Elgeyo Marakwet oo beddelay wasiirka gaadiidka , waddooyinka iyo howlaha guud Kipchumba Murkomen.
William Kisang ayaa helay codad gaaraya 41,378 waxaana ku soo xigay musharraxii xisbiga PPD, Tim Kipchumba oo helay codad dhan 38,151.
Xilka senatarnimo ee ismaamulka Elgeyo Marakwet ayaa waxaa u tartamay 6 musharrax.
Xalay ayay ahayd markii ka hor inta aan natiijada doorashada ee kama dambeyska ah aan lagu dhawaaqin ay tanaasuleen qareenka lagu magacaabo Tim Kipchumba iyo Jerotich Seii oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqul aadanaha.
Kisang waxaa sidoo kale u hambalyeeyay wasiirka gaadiidka, waddooyinka iyo howlaha guud ee wadanka Kipchumba Murkomen.