Maxkamad nin ku xukuntay 90 sano oo xabsi ah

0
419

Maxkamadda magaalada Kitale ee ismaamulka Trans Nzoia ayaa nin 24 sano jir ah ku xukuntay xarig 90 sano ah.
Tani ayaa timid ka dib markii Chris Wanjala lagu eedeyay inuu kufsaday ka dibna uu dilay haweeney u dhalatay Sweden oo ay da’deedu tahay 74 sano jir.
Labo sano ka hor ayuu eedeysanaha falkan gaystay.
Chris ayaa lagu cadeeyay dembiga uu galay bishii labaad ee sanadkii 2020.
Garsooraha sare ee maxkamadda Kitale ,Julius Ngarngar ayaa sheegay in dambiilaha uu u shaqeynayay haweeneyda uu tacaddiga kula kacay.
Waxaa falkan sidoo kale lala xiriiriyay Dominic Nyongesa oo ku doodaya in markii kufsiga uu dhacayay uunan qaan-gaar ahayn.
Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadiisa dib u dhigtay ilaa 9-ka bishan si loo soo xaqiijiyo da’diisa saxda ah.
Chris Wanjala ayaa haysta muddo 14 cishe ah oo uu racfaan uga qaadan karo xukunka xabsi ee 90-ka sano ah ee lagu riday.