Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo dabayaaqada bisha soo socoto yareenayso qiimaha burka

Dowladda oo dabayaaqada bisha soo socoto yareenayso qiimaha burka

Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mithika Linturi ayaa sheegay in waxyaabaha laga soo saaro galleyda sida booshada iyo burka qiimaha lagu iibiyo wax iska beddeli doono bisha soo socota ee sanadkan.
Xilli uu sugnaa magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta, ayuu Linturi sheegay in qiimaha buurka uu hoos u dhici doono dabayaaqada bisha Labaad ee sanadkan, si kenyaanka looga qafiifiyo qiimaha sare ee nolosha.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in wax soo saarka gudaha uu weli aad u hooseeyo, sidaas darteed dowladda ay sii wadi doonto soo dejinta galleyda iyo bariiska ee laga keenaya dibadda.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in dowladda ay sii wadi doonto ku tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno iyadoo beeralayda dalka ay diyaar u yihiin in dabayaaqada sanadkan cusub ay dalagyadooda soo go’aan.
Sida laga soo xigtay waaxda qaran keydinta xogaha dalka ee KNBS, qiimaha labdii kiilo ee galleyda ayaa kor u kacay 32.2 boqolkiiba, 12-kii bilood ee la soo dhaafay, waxaana hadda lagu iibiya in ka badan 200 oo shilin.
Wax soo saarka galleyda ee dalka ayaa isbeddelay siddeedii sano ee la soo dhaafay, iyadoo tiradii ugu badneyd la soo saaray sanadkii 2018-kii, markaas oo ay beeralayda soo sareen 44.6 milyan oo jawaan oo raashinkan ah, halka sanadkii 2017-kii la soo saaray 35.4 milyan oo jawaan.
Bishii 12-aad ee sanadkii hore, dawladda ayaa meesha ka saartay canshuurta laga qaado shirkadaha badeecooyinka burka iyo waxyaabaha galleyda laga sameeyo ka keeno dalka dibadiisa si looga hortago cunno yari.
Waxaa uu amarkan shaqeyn doona muddo lix bilood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments