DHAGEYSO:Dowladda dhexe oo sheegtay inay ka go’an tahay xallinta amni darrada

0
275

Madaxweynaha dalka William Ruto oo xalay fiidkii xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi si wadajir ah wareysi ugu siiyay telefishinnada maxalliga ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulkiisa ay ka go’an tahay soo afjaridda falalka amni darro ee ka jiro qaybo ka mid ah wadanka.
Waxaa uu xusay in kastoo ay si wayn ula tacaaleen falal burcadnimo oo ka jiray Baringo iyo weerarro argagixiso oo horay uga dhacayay ismaamulka Lamu in haddana mararka qaar dhacdooyin la soo tabiyo.
Xilli uu faahfaahinayay waxyaabaha ilaa iyo hadda maamulkiisa uga qabsoomay dhanka sugidda amniga iyo qorshaha dowladda ee ku aaddan xasilinta dowlad deegaanka Lamu ayuu madaxweynaha dalka yiri.