DHAGEYSO:Doorasho ku celis ah oo ka socota bartamaha Garissa

0
307

Codbixiyeyaasha ka diiwaangashan deegaan baarlamaneedka Garissa Township ee ismaamulka Garissa oo gaaraya ilaa 54,000 ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorasho ay ugu codeynayaan xildhibaan cusub.
Jagadan ayaa bannaanaatay ka dib markii Aadan Barre Ducaale oo deegaankaasi muddo xildhibaan ka ahaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga ee Kenya.
Musharraxiin matalaya xisbiyo kala duwan ayay shacabka ugu codeynayaan ilaa 103 goobood oo ah kuwa codbixinta.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa sheegay inuu codeynta u maareyn doono si caddaalad ah iyadoo musharraxiinta iyo codbixiyeyaasha loogu baaqay inay nabad galyada ku dadaalaan.
Waxaa dareenkiisa warbaahinta Star la wadaagay sheekh Xasan Cabdi oo ka mid ah culimada Garissa.

Sidoo kale musharrax Naasir Maxamad Doolaal oo loo yaqaano Joofle oo ka tirsan xisbiga UDM ayaa ka dib markii uu codeeyay inoo warramay isagoo dadweynaha ugu baaqay inay si wayn ugu soo baxaan codeynta oo ayna nabadda ku dadaalaan.

Waxaa goor sii horreysay geeddisocodka guud ee doorashada ku celiska ee maanta ka dhacaysa deegaan baarlamaneedka Garissa Township nooga warramay wakiil wareedkeenna Cabdisamad Muxumad Cabdi.