Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo caawa wareysi siin doono warbaahinta

Madaxweynaha dalka oo caawa wareysi siin doono warbaahinta

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa la filayaa inuu caawa warbaahinta maxalliga iyo kuwa caalamiga si wadajir ah wareysi u siiyo.
Wareysigan oo laga baahin doono telefishinnada iyo idaacadaha dalka ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo markii uu Ruto qabtay hoggaanka wadanka.
Waxaa arrintan xaqiijiyay afhayeenka madaxtooyada State House, Xuseen Maxamad.
Ruto ayaa faahfaahin ka bixin doono waxyaabaha u qabsoomay maamulkiisa iyo arrimaha taagan ee uu la tacaalaya isbeheysiga Kenya Kwanza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo berri uu ismaamulka Nyeri ka furmi doono kulan uu madaxweynaha wadanka xubnaha sar sare ee golihiisa wasiirrada la qaadan doono.
Shirka oo la qorsheeyay inuu socdo saddex cishe ayaa looga hadli doonaa dhaqangelinta qorshaha dowladda ee sanadkan 2023-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments