Qaar ka mid ah siyaasiyiinta bartamaha wadanka oo difaacay madaxweyne ku xigeenka

0
395

Qaar ka mid ah madaxda laga soo doortay deegaannada gobolka bartamaha wadanka ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ka difaacay eedeyn uga timid mucaaradka.
Tani ayaa timid ka dib markii mudanaha deegaanka Bumula ee ismaamulka Bungoma , Jack Wamboka uu ku goodiyay inuu baarlamaanka geynaya mooshin xilka looga qaadaya hoggaamiyaha labaad..
Waxaa uu Gachagua ku eedeynaya in kastoo uu mas’uul heer qaran ah yahay in tan iyo markii la doortay uu u janjeerayay dhanka gobolka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.
Hasa ahaate madaxda gobolkan oo uu hoggaaminaya barasaabka ismaamulka Nyeri ,Mutahi Kahiga ayaa cid kasta oo qorshahan ku howlan ka dalbatay inay soo dedejiso maadaama sida ay ku doodayaan aan lagu guulaysan doonin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in aynan fududeyn in xil laga qaado madaxweyne ku xigeenka wadanka Rigathi Gachagua maadaama loo baahan yahay inay arrintan codkooda ku taageeraan ugu yaraan saddex meelood hal meel ee xildhibaannada.
Isbeheysiga talada dalka haya ee Kenya Kwanza ayaa waxaa golaha qaran ee xeer dejinta ku matalo 177 mudanayaal ah halka xubnaha mucaaradka ee Azimio ay tiradoodu tahay 157.