NHIF oo sheegtay inuu weli socdo barnaamijka Linda Mama

0
325

Sanduuqa caymiska qaran ee caafimaadka ee (NHIF) ayaa beeniyay warar la faafiyay oo ahaa in maamulka madaxweyne William Ruto uu meesha ka saaraya Barnaamijka daryeelka caafimaad ee hooyooyinka ee loo yaqaano Linda Mama Program.
Bayaan ay NHIF soo saartay ayay ku sheegtay in caymiska haweenka uu sii socon doono.
Waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka lagu faafiyay baraha bulshada oo ay kenyaanka ka codsatay inaynan ku dagmin.
Barnaamijkan ayaa fududeeya in hooyooyinka marka ay uurka leeyihiin iyo xilliga umusha aynan ku dhibaatoon bixinta qarashaadka caafimaad.
Tan iyo markii barnaamijkan la billaabay sanadkii 2017-kii waxaa ka faa’iidaystay in ka badan 6 milyan oo hooyooyin ah.