Xildhibaan ku goodiyay inuu billaabaya mooshin ka dhan ah Gachagua

0
348

Mudanaha deegaan baarlamaneedka Bumula ee ismaamulka Bungoma ,Jack Wamboka oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku goodiyay inuu baarlamaanka u gudbin doono mooshin xilka looga qaadaya madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in mooshinka looga doodi doono habdhaqanka hoggaamiyaha labaad ee Kenya.
Wamboka, ayaa Gachagua ku eedeynaya in tan iyo markii uu xafiiska qabtay uu u janjeerayay dhanka gobolka bartamaha in kastoo uu yahay hoggaamiye qaran.