Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa toddobaadkan kulan la yeelan doona golahiisa fulinta sida ku cad qorshaha sanadka 2023-ka ee isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galaya golaha wasiirrada ee dowladda dhexe, la-taliyayaasha madaxweynaha iyo xoghayayaasha.
Waxaa uu kulankan ka qabsoomaya xarunta madaxtooyada yar ee Sagana State lodge ee ismaamulka Nyeri.
Afhayeenka madaxtooyada dalka Xuseen Maxamad oo kulankan xaqiijiyay, ayaa sheegay in uu qabsoomi doona inta u dhexeysa 5-ta ilaa 8-da bishan.
Shirka ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimo muhiim oo ka mid ah qorshaha dowladda uu hoggaamiyo William Ruto, waxaa uuna ku soo aadaya xilli dowladda lagu eedeynayo sicir bararka maciishadda.
President @WilliamsRuto to host a retreat featuring senior ranks of the Executive including Cabinet, Presidential Advisors & Principal Secretary. The retreat between 5th-8th January will crystallize the implementation programme of the Administration’s Plan for the Year 2023.
— Hussein Mohamed, MBS. (@HusseinMohamedg) January 2, 2023
Dhawan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka uu sheegay in qorshaha dowladda uu yahay in dakhliga wadanka la kordhiyo oo la gaarsiiyo ilaa 3 Tiriloyoon oo shilin.
Madaxweynaha ayaa 100-kii maalmood ee uu xafiiska joogay amray in la dhimo miisaaniyadda 300 bilyan oo shilinka dalka ah, wuxuuna meesha ka saaraya dhaqaalihii ay dowladdu ku kaabeysay shidaalka.