Ruto oo ka tacsiyeeyay geerida guddoomiyaha golaha odayaasha bulshada Nubian-ka

0
283

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa jaaliyadda Nubian-ka ee dalka ku nool uga tacsiyeeyay geerida ku timid guddoomiyihii golaha guurtida bulshadan Ciise Cabdul Faraj oo shalay dhintay.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ciise Cabdul Faraj uu ka mid ahaa tiirarka bulshada Nubian-ka.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa xoojiyay inuu Kenya ka baxay qof looga bartay u doodidda dadka ku nool xaafadaha isku raranta sida Kibra iyo Kibos.

 

Waxaa dhambaal kani la mid ah u diray ehelka iyo asxaabta marxuumka, madaxa isbeheysiga Azimio Raila Odinga.
Waxaa uu sheegay in bulshadaasi uu ka baxay hoggaamiye dhab ah oo u taagnaa helidda xuquuqdooda.

 

Dhankiisa ,badhasaabka ismaamulka Mombassa ,Cabdulswamad Shariif Nassir oo ka hadlay geerida waxgaradkan ayaa sheegay in marxuum Ciise ay dad badan ku xasuusan doonaan inuu ahaa halgamaa dhab ah oo u soo halgamay xuquuqda dadkiisa gaar ahaan Kibra.

Bulshada Nubian-ka ayaa la sheegay in dalka ay ku noolayeen tan iyo sanadkii 1817-kii
Jaaliyadda ayaa marar badan dowladda ugu baaqday inay dedejiso arrinta aqoonsigooda.
Waxay sheegeen in ay la kulmaan takoor ku saabsan sharciyadda muwaadinnimo.