Madaxweynaha dalka William Samoei Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay inuu la soo xiriiray dhigiisa Suudaan Cabdel Fataax Al- Burhan.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeya dalalkooda.
Waxaa uu Ruto xusay inay ka go’an tahay in la qabto kulan gaar ah oo uu yeelanaya urur goboleedka IGAD.
Shirkan oo uu madaxweynaha dalka soo jeediyay inuu qabsoomo ka hor dhammaadka bishan ayaa lagu qiimeyn doonaa horumarka laga gaaray dhaqangelinta heshiiskii nabadeed ee Suudaanta Koonfureed iyo la tacaalidda waxyaabaha soo kordha.
William Ruto ayaa xusay inay ka mahadcelinayaan dhambaalka gaarka ah ee uu madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir ku aqoonsaday dadaalka ay Kenya ku bixinaysa xal u helidda caqabadaha wadankaasi ka taagan iyo in gargaar baniaadannimo la gaarsiiyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen.
Received a call from the President of Sudan Abdel Fattah Al-Burhan where we discussed relations between our two countries.
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) January 2, 2023
We also appreciate President Salva Kiir’s special message recognising Kenya’s support in seeking solutions to emerging challenges in South Sudan, search for durable peace and in delivering humanitarian assistance to the affected communities.
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) January 2, 2023




