Maydka Kasavuli oo la aasi doono 14-ka bishan

0
237

Waxaa 14-ka bishan koowaad la aasi doonaa maydka wariyihii caanka ahayd ee dhawaan geeriyootay Catherine Kasavuli.
Kasavuli ayaa 29-kii bishii Diseembar ee sanadkii hore ku geeriyootay isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaalada Nairobi oo looga dabiibayay kansarka saameeya minka.
Waxaa lagu aasi doonaa tuulada Zululu ee ismaamulka Vihiga gobolka galbeedka wadanka.
12-ka bishan Jannaayo ayaa la qaban doonaa munaasabad baroordiiq ah oo ka dhacaysa kaniisadda Friends International Church ee waddada Ngong ee Nairobi.
Qoyska Catherine Kasavuli ayaa sheegay inay sabtida soo socoto ee 7-da bishan ay lacag uruurin sameyn doonaan maadaama intii la daaweynayay lagu yeeshay 4 milyan oo shilin.