Maamulka maareeya canshuuraha wadanka ee KRA ayaa sheegay inuu uruuriyay 9.07 bilyan oo shilin oo canshuur ah.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday mas’uulka maamulka KRA u qaabilsan canshuuraha macaashka ama faa’iidada dhaqaale ,Rispah Simiyu.
Lacagtan ayaa soo xarootay wajigii labaad ee barnaamijka cafis loo fidiyay dadka aan canshuuraha bixin.
KRA ayaa intaasi ku dartay in 752 qof oo dheeraad ah ay muddadan gudaheeda si iskood ah u shaaciyeen canshuur aynan dowladda ku wareejin.
Maamulka ayaa horay dadweynaha ugu wargeliyay inay ka faa’iidaystaan barnaamij loogu magacdaray (VTDP) oo hadda mudadiisu dhammaatay.
KRA ayaa horay u sheegtay in cidii qorshahan ka faa’iidaysata aan loo ganaaxi doonin inaysan canshuur bixin.




