Qaybo ka mid ah dalka oo la rajeynaya inay roobab ka da’aan

0
262

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in laga billaabo maanta ilaa 9-ka bishan koowaad la rajeynaya inay roobab ka da’aan qaybo ka mid ah wadanka.
Meelahan waxaa ka mid ah buuraleyda bari ee gobolka Rift Valley, Koonfurta bari sida ismaamullada Machakos, Kitui, Makueni, Kajiado iyo Taita-Taveta , Xeebta iyo Waqooyi Bari.
Waxay waaxdu hoosta ka xarriiqday inay u badan tahay in roobabka la helo galinka hore iyo meelo aan badnayn oo ay galinka dambe xagaayo ka da’i karto.
Sidoo kale waxay waaxdu shaacisay in qaybo badan oo wadanka ka tirsan maalinkii, heerkulka uu iskucelcelis ahaan u dhaxeyn karo 20°C ilaa 30°C halka habeenkii deegaano hoos tago buuraleyda bari ee Rift Valley heerkulka uu ka hooseyn karo 10°C.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shacabka ku nool Nairobi ay saaka ku waa-bariisteen roob da’ay.