Maamulka shirkadda basaska ee Modern Coast Express ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in gawaaridooda ay weli u kala gooshi doonaan magaalooyinka Nairobi ilaa Kampala, Kigali, iyo Bujumbura.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan wasiirka wasaaradda gaadiidka ,kaabayaasha waddooyinka iyo howlaha guud ee dalka Kipchumba Murkomen uu soo saaray tallaabo ay dowladda si ku meel gaar ah u hakisay adeegsiga leesinkii ay shirkaddan uga shaqeynaysay gudaha wadanka.
Jimcihii ayay ahayd markii Murkomen uu maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhinaca waddooyinka ee NTSA uu ku amray inuu dhaqangeliyo xayiraadda dowladda ee ka dhanka ah Modern Coast.
Go’aanka dowladda ayaa lagu saleeyay in shil mid ka mid ah baabuurta shirkadda uu ku galay Uganda ay ku dhinteen 6 qof.
Waxaa ka sii horreeyay shil kale oo ka dhacay isgoyska Makutano Junction ee waddada u dhexeysa ismaamullada Kisii iyo Nyamira oo uu hal qof ku dhintay.
Shirkadda ayaa barteeda Facebook-ga ku sheegtay in iyadoo u hoggaansamayso amarka dowladda aynan baabuurteeda u safri doonin Mombasa -Nairobi-Malindi, Nairobi ilaa deegaannada kale.
Waxay dhanka kale shirkadda caddeysay inay sii wadi doonto adeegeeda boostada ama kala gudbinta xamuulka.
Modern Coast ayaa qoraalkeeda ku soo gabagabeysay inay ka qoomameynayso saameynta xayiraadda dowladda ay ku yeelatay macaamiisheeda waxayna ugu baaqday inay si dhow ula socdaan wixii xog dheeraad ah oo ka soo baxo maamulka.
DEAR CUSTOMER;
If you had booked advance tickets to travel with us this January, please note that arrangements have been made to enable you to travel to your respective destinations conveniently. pic.twitter.com/eWOC49VqBh— MODERN COAST EXPRESS (@Modern_Coast) January 1, 2023
Report at our booking and parcel offices near you on the date and time indicated on your ticket.
For any other enquiries, kindly contact us on 0730 897 000 or reach out to us in our Inbox.
We sincerely apologize for the inconveniences caused and appreciate your kind understanding— MODERN COAST EXPRESS (@Modern_Coast) January 1, 2023