Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inaysan suurtagal ahayn in isaga iyo hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga ay yeeshaan heshiis la mid ah midkii sanadkii 2018-kii.
Waxaa uu xusay in siyaasiyiinta mucaaradka laga doonaya inay sii wadaan la xisaabtanka dowladda talada haysa.
Ruto ayaa tilmaamay in marka ay isku milmaan mucaaradka iyo muxaafidka ay meesha ka baxaysa dhaliisha wax ku oolka ah ee lagu saxo qaladaadka ama gaabadka dowladda .
Sanadkii hore ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto golaha qaran ee xeer dejinta uu u gudbiyay soo jeedin ah in la soo dhiso xafiiska rasmiga ee madaxa mucaaradka.