Dacwadaha maxkamadeed oo lagu soo gabagabeyn doono saddex sano

0
173

Madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ayaa sheegtay in sanadkan 2023 uu noqon doono mid maxkamadaha ay dacwadaha loo gudbiyo dhageysigooda ku soo gabagabeeyaan ugu badnaan saddex sano.
Koome ayaa ballanqaadday inay xaakinnada kale ku hoggaamin doonto sidii qorshahan looga dhabeyn lahaa.
Waxay intaasi ku dartay in dhageysiga kiisaska racfaanka ah lagu soo dhameystiri doono hal sano gudihiisa.
Martha Koome ayaa xustay in waaxda garsoore ee dalka ay ku tallaabsatay guulo lagu xaqiijinaya madax bannaanida iyo waxtarka laanta cadaaladda ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here