Tunisia oo soo saartay digniin ku aaddan Corona

0
279

Maamullada caafimaadka ee dalka Tunisia ayaa soo saaray digniin cusub oo la xiriirta cudurka COVID-19.
Howlwadeennada ayaa sheegaya inay jirto khatar maadaama xanuunka uu soo laba kacleeyay.
Sida ay ku warramaysa wakaaladda wararka Tunisia ee TAP, dadweynaha ayaa lagu boorriyay inay qaataan dawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah caabuqa.
Agaasimaha xarunta qaran ee daawooyinka Dr. Riadh Daghfous ayaa sheegay in guddiga saynisyahaannada ee la dagaalanka cudurka uu ka digay mowjad kale oo ku saabsan cudur sidaha corona.
Waxaa uu agaasimaha tilmaamay in bisha koowaad ee sanadka soo socdo ay kiisaska corona sare u kici karaan.