Trump oo ansaxiyay dhaqangelinta xaalad degdeg ah

0
1099

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ansaxiyay xaalad degdeg ah oo ka dhaqangalaysa caasimadda waddankaas.
Waxaa arrinkan galinkii dambe ee shalay warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan madaxtooyada .
Tani ayaa timid ka dib markii saraakiisha qaabilsan dhaqangelinta shuruucda ee Maraykanka ay ka digeen khatar amni ka hor inta aan la caleemo saarin Joe Biden oo Trump hoggaanka kala wareegaya.
Amarkan ayaa shaqeyn doono ilaa 24-ka bishan wuxuuna ku soo beegmaya ka dib markii dhawaan taagerayaasha Donald Trump ay dibadbax dhigeen iyagoo ku andacoonaya in doorashadii bishii 11-aad ee sanadkii hore lagu shubtay.
Waxaa dibadbaxyada ku dhintay 5 qof halka in ka badan 50 qof la xiray.
Shalay ayay ahayd markii waaxda dambi baarista Maraykanka ee FBI-da ay sheegtay in maalmaha soo socdo ka hor 20-ka bishan , dibadbaxyo rabshadeysan ay ka dhici karaan 50-ka gobol ee Maraykanka gaar ahaan caasimadda Washington.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here