Madaxa Azimio oo faahfaahiyay sababta afar sarkaal oo ka tirsan IEBC ay u tageen Yaya

0
291

Madaxa Azimio, Raila Odinga ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta afar sarkaal oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ee IEBC kuwaasoo baaritaano lagu hayo ay u tageen dhismaha Yaya halkaasi oo ay kula kulmeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbeheysigan.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay soo shaac baxday in saraakiisha ay xarunta Yaya isku arkeen Raphael Tuju iyo Nick Salat.
Mr. Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay in xubnaha Azimio ay goobta tageen iyagoo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan natiijada doorashada guud oo lagu waday inuu ku dhawaaqo guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ,Wafula Chebukati.
Waxaa uu intaasi ku daray in Tuju iyo Nick Salat ay doonayeen inay xaqiiqada ogaadaan .
Afarta sarkaal ee eedeysan ayaa kala ah Juliana Cherera, Irene Masit, Justus Nyang’aya iyo Francis Wanderi waxayna dhammaan ku gacan seyreen natiijadii uu shaaciyay Chebukati ee uu ku soo baxay madaxweynaha dalka William Ruto.