Barasaabka Meru oo maanta is difaaci doonto

0
246

Guddoomiyaha ismaamulka Meru ee ay wakiillada golaha hoose xil ka qaadis ku sameeyeen, Kawira Mwangaza ayaa maanta fursad u heli doonto inay iska difaacdo eedeymo loo soo jeediyay.
Shalay ayay ahayd markii ay beenisay eedeymaha ka dhanka ah ee la xiriira maamul xumo.
Waxaa maalinkii labaad fadhi yeelanaya guddi gaar ah oo ka kooban 11 xubnood oo uu aqalka sare u xil saaray inuu xaqiijiyo waxyaabaha ay ku eedeysan tahay Kawira.
Guddigan ayaa waxaa hoggaaminaya senatarka ismaamulka Kakamega, Boni Khalwale oo sheegay in si caddaalad ay ku dheehan tahay u gudan doonaan howsha loo igmaday.