Waaxda dacwad oogidda wadanka ayaa racfaan ka qaadatay go’aan dhawaan ka soo baxay maxkamadda oo ahaa in barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko aan lagu helin dambi ah inuu musuqmaasuqay 20 milyan oo shilin.
Waaxda DPP ayaa sheegtay inaynan ku qancin go’aanka maxkamadda.
Waxay ku doodaysa in garsooraha kiiskan dhageysanayay uunan tixgelin caddeymo lala wadaagay.
Xafiiska uu hoggaamiyo Nuurdiin Xaaji ayaa intaasi ku daray in xaakinka uu go’aankiisa ku saleeyay dacwad la hor dhigay 27-kii bishii Koowaad ee sanadkii 2020.




