Guddiga aqalka sare ee dalka ee loo xil saaray inuu dhageysto dacwadda xilka ka qaadistii barasaabka ismaamulka Meru Kawira Mwangaza ayaa berri yeelanaya fadhigooda ugu horreeyay.
Bayaan maanta ka soo baxay aqalka sare ee dalka ayaa lagu sheegay in dhageysiga go’aanka ay wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Meru ay xilka uga qaadeen barasaabka dowlad deegaankaasi Kawira uu billaaban doono 8-da subaxnimo ee berri oo Talaado ah.
Guddiga howshan loo igmaday oo uu guddoomiye u yahay senatarka ismaamulka Kakamega Boni Khalwale ayaa fadhigooda ugu horreeya berri kaga doodi doono shuruucda iyo habraaca go’aan ka gaarista dacwadda iyo sidoo kale in ay ka baaraandegaan arrimo kasta oo horudhac ah.
33 ka mid ah xubnaha aqalka sare ayaa 20-kii bishan u codeeyay in la soo saaro guddi baaritaano sameynaya ka dibna warbixin soo gudbinaya.
Waxaa arrintan ka soo horjeestay labo xubnood halka aan la diiwaangelin cid ka aamustay codeynta.
Mooshinka la xiriira in senatarrada ay eegaan xil ka qaadistii Mwangaza waxaa aqalka sare hor geeyay hoggaamiyaha aqlabiyadda Aaron Cheruiyot waxaana ku taageeray madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee senate-ka ,Stewart Madzayo.
Guddiga howshan loo igmaday waxaa xubno ka ah senatarrada kala ah Boni Khalwale (Kakamega), Jackson Mandago (Uasin Gishu), Karungo Thangwa (Kiambu), Esther Okenyuri (Nominated), Cali Roba (Mandera), Peris Tobiko ( si magacaabid ah ku gashay aqalka sare ), Gicheru Oketch (Migori), Joseph Kamau (Lamu), Edwin Sifuna (Nairobi), Agnes Kavindu (Machakos) iyo senatarka ismaamulka Taita Taveta Johnes Mwaruma .
Xubnaha guddigan ayaa haysta muddo 10 cishe ah oo ay aqalka sare warbixin ugu gudbinayaan.
Guddoomiyaha senate-ka dalka ,Amason Kingi ayaa xubnaha u sheegay inay warbixintooda ku soo bandhigaan ka hor 30-ka bishan Diseembar.
Waxaa looga fadhiyaa inay xaqiijiyaan inay dastuurka wadanka waafaqsan yihiin qodobbada ay wakiillada Meru u adeegsadeen xil ka xayuubinta Mwangaza iyo inay yihiin kuwo sababi karo inay xafiiska banneyso.
Barasaabka Meru ayaa ku eedeysan maamul xumo ay ka mid tahay qof jecleysi, magacaabid iyo shaqo ka eryid aan loo marin habraaca habboon iyo ku xadgudubka dastuurka.
Kawira Mwangaza ayaa noqotay barasaabkii ugu horreeyay ee xilka laga qaado tani iyo bishii Siddeedaad ee sanadkan oo ay wadanka ka dhacday doorasho guud.