Machakos oo ay maanta ka dhacayso doorasho ku celis ah

0
459

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa sheegay in goobaha codbixinta ee ismaamulka Machakos ay furmeen 6-dii subaxnimo ee maanta.
Codeynta ayaa ka socoto 1,335 goobood guud ahaan dowlad deegaankaas.
Shacabka Machakos ayaa maanta dooranaya senatar cusub ka dib geeridii 11-kii bishii Diseembar ee sanadkii hore ku timid Boniface Kabaka oo ku matalayay aqalka sare.
Ammaanka ismaamulkaas ayaa si weyn loo adkeeyay sida uu sheegay guddoomiyaha dowladda dhexe halkaas u qaabilsan Fred Ndunga.
Mas’uulkan ayaa digniin adag u diray cid kasta oo qorsheyneysa inay carqaladeyso ama fowdo kiciso inta lagu guda jiro doorashada .
Ilaa 11 musharax ayaa ku tartamayaa doorashada xilka senetarka ee Machakos.
Ismaamulkaas oo ka kooban 8 deegaan baarlamaneed iyo 40 ah deegaannada hoose ayaa waxaa iska diiwaangeliyay codbixiyayaal dhan 622,965 qof .