DHAGEYSO:Raila Odinga oo rajo wanaagsan ka muujiyay sanadka cusub

0
374

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay sanadka nagu soo aaddan ee 2023-ka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sanadkan sii dhammaanaya ay jireen caqabado badan oo dalka soo foodsaaray.
Mr.Odinga ayaa tusaale u soo qaatay saameynta cudurka COVID-19, sicir bararka nololeed ee jira iyo doorashooyinkii bishii Siddeedaad ee si wayn loogu tartamay.
Waxaa uu sheegay inuu rajeynaya in sanadka cusub ay waxyaabo badan fududaan doonaan isagoo dhanka kale dadweynaha ku boorriyay inay ku dadaalaan nabad galyada oo ay isu gargaaraan.