Golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa ku baaqay in si degdeg ah baaritaanno loogu sameeyo warbixinnada ku saabsan gacan ka hadalka shaqaalaha dowladda ee ismaamulka Kilifi ay u gaysteen saddex wariye oo ka howlgala dowlad deegaankaasi.
Saxafiyiintan oo ka howlgala wargeysyada maxalliga ee The Star iyo Daily Nation ayaa lagu kala magacaaba Elias Yaa, Daniel Peshu iyo Maureen Ongala.
Waxaa ay saxafiyiintan soo tabinayeen mudaaharaad ka dhan ah maamulka dowlad deegaanka Kilifi ee dhacay 23-kii bishan.
Madaxa fulinta ee golaha MCK David Omwoyo oo dhacdadan cambaareeyay, ayaa bayaan uu soo saaray ku tilmaamay arrintan mid bahalnimo ah iyo xad gudub toos ah oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda.
Waxaa uu ku baaqay in tallaabo adag laga qaado cidii ku lugta lahayd dhacdada gacan ka hadalka ah ee lagula kacay wariyaasha.
PRESS STATEMENT: Stop Attacking journalists at work pic.twitter.com/ttU9guWMGJ
— Media Council of Kenya (@MediaCouncilK) December 24, 2022




