Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa amar ku bixiyay in shixnado gargaar ah loo daabulo wadanka Suudaanta Koonfuureed.
Shixnadaha ayaa isugu jiro cunto iyo sahay caafimaad.
Wadanka Sudaanta Koonfuureed, waxaa ka socda dagaallo u dhexeya kooxo hubeysan iyo maleeshiyo beeleedyo iska soo horjeeda.
Qoraal uu maanta soo saaray madaxweynaha dalka William Ruto, ayuu ku xusay in amni darrada sii kordheysa, rabshadaha, barakaca iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ay yihiin kuwo wax u dhimaya nabadda iyo xasilloonida Kenya oo daris la ah Koonfurta Suudan iyo sidoo kale gobolka bariga Afrika.
Madaxweynaha wadanka ayaa sidoo kale xusay in colaadu ay saameynta ugu badan ka soo gaartay haweenka iyo carruurta.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadka xasilooni darrada saameysay ay aad ugu baahan yihiin cunto, biyo, hooy iyo sahay caafimaad.
“Aniga oo ogsoon xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay amni darrada, waxaan amray in shixnad cunto ah iyo sahay caafimaad oo muhiim ah si degdeg ah loo gaarsiiyo dadka ku nool goobaha ay colaadu saameysay ee dalka Suudaanta Koonfureed,” ayuu yiri madaxweyne Ruto
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in uu la hadlay dhigiisa Koonfurta Suudaan Salva Kiir islamarkaana ugu baaqay inuu dalkiisa ku hoggaamiyo dariiq nabadda waarta.
“Waxaan ku boorriyay madaxweyne Salva Kiir Mayardit inuu fududeeyo gaarsiinta gargaarka bini’aadanimo ee bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey,” ayuu yiri Dr.Ruto.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka codsaday beesha caalamka in ay kaalin ka qaadato nabad ku soo celinta dalka Koonfurta Suudaan.
Madaxweyne Salva Kiir ayaa horraantii bishan ugu baaqay dhammaan dhinacyada is haya inay nabadda qaataan, islamarkaana uu xafiiskiisa ka go’an yahay in uu sameeyo wax kasta oo ay ku qaadan karto sidii lagu soo afjari lahaa rabshadaha.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa toddobaadkii hore sheegtay, in ka badan 20,000 oo qof ay ku barakaceen colaadaha Suudaanta Koonfureed tan iyo bishii Sideedaad ee sanadkan.
UNHCR ayaa intaasi ku dartay in dadkan ay u barakaceen dalka dariska la ah ee Suudaan.
Tani iyo markii gobolkii Koonfurta Suudaan u xurriyadda qaatay oo ay ka go’day dalka Suudaan sanadkii 2011-kii, ayaa waxaa tani iyo markaasi wadankan ka jiray dhibaatooyin ay ka mid yihiin dagaal sokeeye oo shan sano socday oo ay ku dhinteen ku dhawaad 400,000 oo qof.
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) December 24, 2022




