Taliyihii hore ee militariga Kenya oo loo magacaabay guddoomiyaha KWS

0
501

Madaxweynaha wadanka William Ruto ayaa taliyihii hore ee militariga ,Walter Koipaton u magacaabay guddoomiyaha guddiga maamulo adeegga duurjoogta ee KWS.
Walter ayaa xikan hayn doono muddo saddex sano ah.
Sidoo kale Walter Nyambati ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga maamulo shirkadda horumarisa tamarta dhulka laga soo saaro oo uu hoggaamin doono saddex sano.
William Ruto ayaa Faith Boinett u magacaabay inay saddex sano hoggaamiso guddiga agaasimayaasha shirkadda dhuumaha shidaalka ee KPC.
Faith Boinett ayaa beddelaysa Rita Achieng Okuthe.
Sidoo kale Noah Wekesa oo wasiir soo noqday xilligii Mwai Kibaki ayuu madaxweynaha dalka u magacaabay guddoomiyaha guddiga agaasimayaasha adeegga keymaha wadanka ee KFS.
Waxaa uu xilkan hayn doonaa saddex sano isagoo beddelaya James Karugu.
Wasiirkii ugu horreeyay ee gaadiidka ee maamulkii Uhuru Kenyatta , Injineer Michael Kamau, ayaa isna loo magacaabay guddoomiyaha guddiga sanduuqa qaran ee caymiska caafimaadka (NHIF) muddo saddex sano ah.
Tani ayaa soo afjaraysa muddo xileedka Lewis Nguyai oo uu madaxweynihii hore ee dalka u magacaabay madaxa guddiga NHIF.