DHAGEYSO:Askari Malindi ku dilay mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka

0
309

Waxaa lagu soo warramayaa in askari ka howlgalo garoonka diyaaradaha ee deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi uu dilay mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka.
Qaar ka mid ah dadka deegaankaasi ayaa warbaahinta u sheegay in askariga uu raacay mooto ka dibna markii la geeyay halkii uu u socday oo laga dalbaday inuu lacagta nooliga bixiyo uu rasaas ku dhuftay wadaha mootada.

Hay’adda xuquuqul aadanaha ee Haki Afrika ayaa dhankeeda dalbatay in baaritaan lagu sameeyo meydka wadaha mootada ee la dilay si qoyskiisa ay caddaalad u helaan.