Madaxweynaha dalka oo magacaabid sameeyay

0
373

Madaxweynaha wadanka William Ruto ayaa Julius Waweru Karangi oo ciidamada difaaca ee KDF u soo hoggaamiyay xilligii Mwai Kibaki u magacaabay guddoomiyaha guddiga maamulo golaha qaran ee tirada iyo horumarinta dadweynaha ee (NCPD).
Karangi ayaa 2011-2015 ahaa taliyihii guud ee saraakiisha qalabka sida.
Waxaa uu xilkan cusub ee loo magacaabay kala wareegaya David Ngugi oo jagadan hayay tan iyo 21-kii bishii Shanaad ee sanadkii hore.
Magacaabiddan ayaa dhaqan galaysa maanta oo Jimco ah.
Madaxweyne William Ruto ayaa wargeysga rasmiga ee dowladda oo uu tirsigiisu yahay 15794 ku sheegay in Julius Karangi uu ahaan doono madaxa guddiga NCPD ilaa 20-ka bisha Toddobaad ee sanadka 2024-ka.
Golaha qaran ee NCPD ayaa hoos tago waaxda qorsheynta ee wasaaradda maaliyadda waxaa uuna ka shaqeeyaa sare u qaadidda iyo iskuduwidda tirada dadweynaha iyo arrimaha horumarka ee dalka.