8 qof oo ku dhimatay dab ka kacay guri ku yaalla Ruushka

0
1102

Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay dhimashada 8 qof ka dib markii uu dab qabsaday dhismo ku yaalla magaalada Yekaterinburg ee waddanka Ruushka.
Laamaha ammaanka ee gobolka Sverdlovsk ayaa sheegaya in dadka dhintay uu ka mid yahay canug yar.
Sidoo kale waxaa la billaabay baaritaan ku aaddan waxa sababay dhacdadan iyo tallaabooyinka mustaqbalka looga hor tagi karo.
Waaxda qaabilsan la tacaalidda xaaladaha degdegga ah ayaa sheegtay in saraakiisha dab damiska ay ku qaadatay hal saac inay dabka damiyaan.
Waxaa halkaas laga soo badbaadiyay 90 qof oo ay carruur ka mid yihiin.