Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Nakhumicha ayaa ururka dhakhaatiirtu ee KMPDU ugu baaqday inaynan ku dhaqaaqin shaqo joojin ay ku hanjabeen.
Waxay howlwadeennada caafimaadka ka codsatay inay u dhimriyaan kenyaanka xilli fasaxeedka Christmas.
Waxay intaasi ku dartay in wasaaradda caafimaadka ay billowday dadaallo looga hor tagaya shaqo joojinta ay dhakhaatiirtu sheegeen inay guda geli doonaan bil ka dib.
Mas’uuliyiinta iyo xubnaha ururka KMPDU ayaa dowladda ka dalbanaya inay si buuxda u dhaqangeliso heshiis la xiriiray mushaar kordhin oo la saxiixday sanadkii 2017-kii.