Dowladda ismaamulka Kakamega oo kafaala qaadday ardaygii ugu horreeyay KCPE

0
388

Barasaabka ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka Ferandes Barasa ayaa sheegay inay qarashaadka waxbarashada ee dugsiga sare ay ka bixin doonaan ardaygii wadanka ugu horreeyay natiijada imtixaanka fasalka siddeedaad ee KCPE-da.
Otieno Lewis oo waxbarashadiisa ka dhameeyay dugsiga hoose dhexe ee St. Peters ee Mumias ayaa helay 431 dhibcood.
Waxay buundadaasi isla heleen Fwaro Makokha Robinson oo ka soo jeedo Bungoma.
Imtixaanka KCPE-da ee natiijadiisa shalay la shaaciyay ayaa waxaa sanadkan u fadhiistay arday ay tiradoodu tahay 1.23 milyan.