Maraga oo hoggaaminaya guddi eegaya daryeelka booliiska

0
345

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa madaxii hore ee cadaaladda ,David Maraga u magacaabay guddoomiyaha guddi loo xil saaray inuu ka shaqeeyo sida lagu wanaajin karo daryeelka ciidamada booliiska iyo saraakiisha waaxda asluubta.
Waxaa Maraga ku xigeen u ah Carole Kariuki.
Guddigan ayaa ka kooban 20 xubnood waxaana ka mid ah Moffat Kangi, John Ole Moyaki, Ibrahim Jillo Guyo, Richard Kirundi, Elizabeth Mueni , Roseline Odede ,Joash Odhiambo Dache, Doreen Muthaura, Albert Mwenda, Terry Chebet Maina, Xasan Sheekh Maxamad ,Simiyu Werunga, Mutuma Ruteere , Anne Ireri, Stephen Kayongo, Jacfar Maxamad ,Sammy Chepkwony iyo Khadija Mire.
Waxaa xoghayeyaasha guddiga loo magacaabay Omwanza Ombati, Joy Mdivo Masinde iyo Rosemary Kamau.
Xubnaha uu hoggaamiyo Maraga ayaa laga doonaya inay soo saaraan caqabadaha dhinaca sharciga , maamulka iyo siyaasadda ee ku gadaaman adeegyada ay booliiska iyo ciidamada asluunta u fidiyaan qaranka.
Ka dib marka ay baaritaannada iyo dib u eegista sameeyaan ayaa laga doonaya inay dowladda u soo jeediyaan talooyin wax looga beddelo karo xaaladaha shaqo ee saraakiisha ammaanka.
Guddi ayaa eegi doono arrimaha shaqaaleysiinta , siyaabaha saraakiisha looga beddelo meelaha ay ka howlgalaan, tababarrada , dallacsiinta, sare u qaadidda xirfadooda iyo abaalmarinta ay helaan marka ay howlgab noqdaan.
Shalay ayay ahayd markii hoggaamiyaha dalka William Ruto uu sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay wanaajinta daryeelka ay helaan ciidamada ammaanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay ka shaqeynayaan sidii booliiska ay u heli lahaayeen kheyraad ku filan oo ay ugu adeegi karaan qaranka.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu degmada Ngong ku daahfuray machadka hoggaanka ee booliiska.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay inuu guddi u saaray wax ka qabashada gaabadka jira ee dhanka daryeelka ciidamada.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa tilmaamay in Kenya ay horumar ku tallaabsan karto haddii ay xasilooni buuxda ka jirto.