Dowladda oo wanaajin doonto daryeelka booliiska

0
383

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay wanaajinta daryeelka ay helaan ciidamada ammaanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay ka shaqeynayaan sidii booliiska ay u heli lahaayeen kheyraad ku filan oo ay ugu adeegi karaan qaranka.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu degmada Ngong ku daahfuray machadka hoggaanka ee booliiska.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay inuu guddi u saaray inay eegaan isbeddellada loo baahan yahay si wax looga qabto gaabadka jira.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa tilmaamay in Kenya ay horumar ku tallaabsan karto haddii ay xasilooni buuxda ka jirto.