Maxaa ka jiro hadalka ah in gabdhaha muslimiinta aan xijaabka xiran laga eryi doono Kenya?

0
539

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee Kenya Aadan Barre Ducaale oo wareysi uu siiyay laanta afka soomaaliga ee BBC-da, sheegay in hadalka uu jeediyay uu yahay fikir iyo mowqif shakhsiyadeed oo uunan ku hadlin afka dowladda.
Waxaa uu cadeeyay in uunan ula jeedin in gabdhaha aan xijaabka xiran laga eryi doono wadanka.
Waxaa uu intaasi raaciyay in farriintiisa ay ku wajahnayd muslimiinta oo dadka dhibsaday ee dhaliilaya aynan muslimiin ahayn taasina aysan isaga khuseyn sida uu yiri.
Wasiirka ayaa sheegay in xirashada xijaabka ay qasab tahay oo ciddii dhibsanaysa ay u furan tahay inay waddan kale aaddo maadaama aan tani laga tanaasuli doonin.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ayuu ku sheegay in hadalka uu ula jeeday sidii uu u yiri sidaas awgeedna uunan marnaba raaligelin ka bixin doonin maadaama uu la hadlayay dad muslimiin ah oo fahansan waxa ay diintu ka qabto asturnaanta.
Hadalka wasiir Ducaale waxaa bartiisa Twitter-ka uga falceliyay David Ndii oo ka mid ah la taliyeyaasha madaxweynaha dalka ee dhanka dhaqaalaha oo sheegay in xisbiga talada haya ee UDA aysan meelna uga bannaaneyn abaabulka ku saleysan diin iyo qabiil.
Maxamad Wehliye oo isna ka mid ah dadka adeegsada Twitter-ka oo soo xiganaya hadalka ducaale ayaa su’aal geliyay sababta uu qof arrintan u dhibsan karo haddii uunan qorsheynayn inuu mamnuuco xijaabka.